Wadaamagonews.com
xukuumadda maxaakala gudboon heshiiska DP WORLD ee Berbera, maxaase khatar ku ah heshiiska : By Xuseen Xasan Xuseen(Xusen-Mahdi).
June 25, 2016 - Written by admin

1-150x150DP World waxa ay heshiis la gashay Somaliland horraantii may 2016, waxa uu noqday heshiis ay warbaahinta caalamku aad uga hadashay, oo la odhan karo indhihii caalamka ayey ku soo jeedisay dalka. Heshiis miisaankiisa leh weeye, warbaahinta caalamka kuwa ka mid ah waxa ay soo tabinayaan in fursad wanaagsan u tahay gobalka, gaar ahaan Somaliland iyo dalka aan badda lahayn ee Itoobiya, waliba Itoobiya ay tahay fursadda koobaad, iyada oo fursad beddal labaad ah uga noqonaysa degadda Jabuuti. Waxyaabaha warbaahintu qortay sida The Wall streat journal, The National, Reuters, AFP, Gulf news iyo kuwa kale oo badan oo caalami ahi ba waxa ay sheegeen in fursad aad u ballaadhan u tahay geeska Afrika oo dhan, Somaliland na sannadkii ay shirkadda ka helayso $5million iyo 10% dekhliga soo gala, wallow heshiisku si cad u qeexnayn, se dekadda ay shirkaddan caalamiga ahi ay maamulayso muddo 30 sanno ah kuna samaynaysa dib u habayn iyo ballaadhin, waxa kale oo laga filayaa in si casri ah u dhisto iyada oo qalab casri ah keenaysa, sida war-bixinuhu sheegayaan waxa ay ku bixinaysaa xaddi dhan 442milyan taas oo lagu maalgalinayo, Waxa ayna dekaddu noqonaysaa mid marin u noqota Gobalka geeska oo dhan.
Sida ay doonto ha noqoto e, waxa muuqanaysa in mihiimad weyn u leedahay qarankan, dhaqaale ahaan, sumcad ahaan iyo xitaa aqoonsika wax ka tari karto ama fursad samayn karto.

Maaddaama dalkani aqoonsi haysan, wax yaabo badan ayaa xagal-daacin kara ama dhaawac u gaysan kara heshiiskan maalgashi, khatarta ugu weyn ee carqalad ku noqon kara heshiiska DP World ku maalganinayso dekadda Berbera waa innaga, shicib ahaan iyo dowlad ahaan ba. Waxa aynnu nahay dal reernimadu xoog weyn tahay, dal dilaalku ka awood weynyahay sharciga, dad aan dhowrin wax wada lahaanshaha qarannimo, balse sadbursiga reereed ku xoog badan yahay.

Genel Energy, oo ahayd shirkaddii shiidaalka goballada bariga ka baadhaysay, waxa ay u qaxday ee meesha ay uga baxday waa gacmaheenna, burburin ka timid shicib iyo dowlad ba. Ayaan-darro weyn bay ahayd in la maarayn kari waayey, ceeb qaran ayey ahayd in shirkad shaqo bilowday, qalab badan la timid xabad lagu saaro. Farsamo xumo, wacyi-galin la’aan, xisaab celin la’aan ayey ku timid, kuma dhacdo in shirkaddaasi dib u timaad, oo wali waa ay taal khatartaasi.

Haddii gugii kuu kordhaa
Gabow mooyee kutarin
Garaad iyo waayo-arag
Ogow magud baadtahay.

Abwaan Gaariye.

Xukuumadda maxaa la gudboon?

Si looga taxaddiro carqalad ay bulshada gobalku ku keento shirkadda, waa in wacyi-galin lagu sameeya, iyada oo gobal ahaan iyo qaran ahaanba faa’idada uu heshiiskani u leeyahay looga warramayo.

Iyada oo maanka lagu hayo, lana dafirayn ama aan indhaha laga qarsanayn qarankeennu in uu reero yahay heshiiyey yahay, in reernimadu carqaladda ugu weyn ee qarankani leeyahay tahay walina aan laga gudbin, in ayna hay’adaha dowladdu sidii la rabay u wada shaqayn, waa in xukuumaddu si toos ah u qancisaa waxgaradka, aqoonyahanka iyo cuqaasha gobalka Saaxil, marba sidii loo jabaa loo tudhiyaa.

Dowladdu waa in ay caddaalad ka samaysaa heshiisan, waa in iyada dhexdeeda waa masuuliyiinta xukuumadda e, waxan ku wada socotaa, kii qanci waayana xayndaabka xukuumadda dibadda laga dhigaa. Xukuumad farraaro leh bulsho ma qanciso.

Heshiiska saxda ah, waa in gollayaasha qaranka la la wadaaggo, si tuhunku xagal-daac ugu noqon heshiiska.

Qaab dowladeed oo rasmi ah, waa in loo waajahaa, meel madaxa ka sarraysa oo la salaaxaa ma jirto, inta wasiirrada qabiil ahaan Saaxil ka soo jeeda loo dirayo, waa in madaxweynuhu toos xidhiidh ula yeeshaa cuqaasha.

Shaqadan cidda xukuumadda ugu xilsaaran ama shaqadeedu tahay waa in looga dambeeyaa, cid aan howsheeda ahaynna laga ilaaliyaa.

Wixii ka soo baxa ee dakhli ah waa in si sax ah oo cad loo maamulaa, qarankan in si sax ah wax loogu qaybiyo waa waxa uu qaran ku noqonayo, qaranna waxa la noqonayaa masuulku marka uu isku arko in uu qof qaran yahay oo uu xil qaran hayo.

Mudane madaxweyne, adiga iyo xukuumaddaada sharaf iyo taariikh ayey u noqonaysaa haddii si hufan, oo dalka iyo dadkana u dan ah heshiiskani u fulo, waa in aad ku xisaabtantaa in qarankani qaran noqonayn inta wasiirku isku haysto xil beeleed in uu hayo, inta masuulka aan la gula xisaabtamayn maxaad qarankan u qabatay? Maxaad qarankan ka qalloociysay? Xilkii la kuu igmaday ma ka soo baxday? Qarankani qaran noqon maayo inta hay’adaha dowladnimo u tudhinayaan qabiilka, oo qabiilku xoog badan yahay.

In badan ayeynu ogeyn mashaariic badan oo farsamo xumo qarankan uga baaqday, kuwo dhimasho keenay, su’aashu waxa ay tahay, maxaa mashruuc walba qaylo, xabbad iyo muran uga yimaad, ma Qoolcaday, ma Arroori, ma, ma, ma, ma. Dib u xisaabtan dhab ah ayey wax waliba u baahan yihiin waa haddii daacad la yahay, haddii dowladnimada 25 sanno sida ay ahayd uga shaqaysiin waynay, hadmaynu ka shaqaysiin? Yaa fulin ee lagu aamini? Ma hoggaamiyaa cirka inooga soo dhici?

Bulshada na xilbaa saaran, wixii dhammaantood u dan ah in ay wada ilaashadaan, ashkhaas kooban in ayna dantooda guud duulaan ku noqon. Hore ayeynu u ogeyn warshaddii sibidhka, walina waataa xanniban, dan badan ayaa qaran ahaan iyo gobal ahaanba innagu seegtay. Caqligu ha shaqeeyo, dilaalliin milaaliin ahi yeyna danta guud sahayan.

Sumcad xumada qaranka soo gaadha, mid wal oo Somaliland ku nool waa soo gaadhaysaa, in wax wal oo horumar ah, dan u ah qaranka reer looga habrado waa ceeb dowladeed, dowladnimada si caqli ah waa in looga shaqeysiiyaa

COMMENTS
Latest News