Wadaamagonews.com
Qormo ku aaddan joojintii W/Awqaafta Bandhig Faneedkii Nasteexo
August 20, 2016 - Written by Adan Abdulaahi

Alle ayaa mahad oo dhan iska leh, amaan alle iyo nabadgelyona korkiisa ha ahaato rasuulkeenii muxamed iyo ehelkiisii iyo asxaabtiisaba.

Waxay ahayd Habeen Axadi soo gelayso taariikhduna ay ahayd 14/08/2016 goobtuna waa Crown Hotel Hargeisa waxaa waqtigaa iyo goobtaa loo diyaar garoobayay in lagu qabto Bandhig Faneed ay hormuud ka ahayd walaasheen Nasteexo.

Ka hor intii aan la gudo gelin hawshaa loo balansanaa waxaa is hortaagay Cutub ka mid ah Ciidamada Qaranka JSL oo amar ka haystay W/awqaafta iyo Diinta, sidaas ayaana lagu baajiyey Bandhig Faneedkaa.

Hadaba waxaan doonayaa in aan isdul taago oo aan weedho ka idhaahdo dhacdadaa waxaanan hadalkayga ku soo ururinayaa 4 Qodob.

Qodobka koowaad:

Alle swc wuxuu ka reebay Qofkasta oo Muslim ah in uu ku dhaco wixii uu xaaraantimeeyay, reebidaa alle reebayna waxay dani ugu jirtaa dadka ee mid alle wax u kordhinaysa ama wax ka dhimaysa maaha, waxaa kale oo alle ku waajibiyay Qof kasta oo Muslim ah in uu diido oo uu is hortaago xumaanta iyo faafideeda , gaar ahaan cidii awood u leh, waxaana xumaan ah wixii sharcigu reebay, sharcina waxaa noqon kara wixii ku sugan : 1. Kitaabka alle , 2. Sunada sugan ee laga soo raray rasuulkeena scw. 3. Ijmaaca (kulanka) Culimada. 4. Qiyaaska saxiixa ah.

Xumaanta waxaa loo reebaa marba sidii loo awoodo iyo sida ay u kala daran tahay xumaantu.

Qodobka 2aad:

Heesaha iyo Muusigu iyo is Qaawinta Dumarka iyo is Ruxida masraxa dhamaantood waxay ka mid yihiin wixii alle swc uu diiday ee uu reebay, waxaana loo reebay xumaanta ay xanbaarsan yihiin ee ay ka mid tahay: Qalbiga oo ku xanuunsada, Indhaha iyo Dhagaha oo sino ku dhaca, Sino iyo Fawaaxish ama xumaan ka dhalata, iwm.

Qodobka 3aad :

Waxaan ku waaninayaa walaasheen Nasteexo iyo Hablaha iyo Raga la midka ah in ay alle ka baqaan oo ay ka dheeraadaan xumaanta ay ku jiraan ee ay faafinayaa , in ay ogaato in Qabri iyo Qiyaamo iyo xisaabi sugayso, inay tawbadkeento oo ay alle u soo noqoto, in ay ku dayato Hablaha qaaliga ah ee ka dhex baxay xumaantaa ay iyadu weli daba joogto, inay ogaato in alle khayr la doonay markii loo diiday inay xumaan soo bandhigto, mana mudnid in lagu caayo ee waxaad mudan tahay in laguu duceeyo oo laguu nasteexeeyo, adiguna sida magacaagu yahay Nasteexo in aad qaadato Nasteexada.

Qodobka 4aad :

Waxaan u mahad celinaya xukuumada Jamahuuriyadda SL ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Max’ed Max’ud Siilaanyo gaar ahaan Wasaarada Diinta iyo Awqaafta sida wanaagsan ee ay u gudanayaan xilka loo igmaday, waxaanan ku bogaadinaynaa is hortaaga ay arinkaa is-hortaageen , waxaan kula dardaarmayaa in ay is hortaagaan wixii xun hadba sida ay u awoodaan iyaga oo kaashanaya alle maadaama ay yihiin Hay’addii u xilsaarayd ilaalinta Diinta awoodii usaraysayna ay yihiin .

Waxaan kale oo halkan Waano ugasoo jeedinayaa Dadka had iyo jeer isku daya in ay Xumaanta difaacaan ama wax ka sheegaan ciddii khayr ka shaqaysay , taasoo ah denbi weyn , waana in laga waantoobaa dhiirigelinta Xumaanta waana in xaqa la taageeraa maadaama aynu nahay Mujtamac muslim ah Raasamaalkeena dhabta ahi waa diinta ee aan wada ilaashano xumaantana aan meel ugasoo wada jeesano.

Qormadii : Dr. Fayal Max’ed Cali

COMMENTS
Latest News