Wadaamagonews.com
Meelaha ay iska shabahaan nidaamka xukuumadda Kulmiye iyo Bujurwaa oo qarniyo hore kajiray qaaradda Yurub. By Mujaahid Cali Cismaan Libaax (Cali Xaraaro).
June 25, 2016 - Written by admin

Axmed Siilaanyo iyo xisbigiisa Kulmiye Waxay dalka keeneen oo ay ku Maamulaan nidaam la odhan jirey Burjuwaa oo boqolaal sanno Ka hor ka jiri jirey dalalka Yurub. Waa Nidaam halis ku ah sii jiritaanka JSL una Daran dadkeena oo danyar u badan, isla Markaana waa nidaam inta yari  Ay ku dul noolaato inta badan.

Kelmeda BURJUWAA macnaheeda waxa Lagu macneeyey CALOOSHA XAARAANTA, Sida taariikhdu qortey (1675) waxa dalka Faransiiska ka talin jirey boqortooyadii la Odhan jirey LIWIGII AFAR IYO TOBNAAD oo Dalka ku maamuli jirey nidaamka Burjuwaaga, Tirada dadka Faransiiska waxa xiligaa Lagu sheegey (26) milyan oo qof, Dabaqado kala sareeya ayaa dalka ka Jirey, (3) milyan oo dabaqada Burjuwaaya Ayaa ku dul noolaa (23) milyan oo faransiis ah oo noloshoodu liidatey, Dabaqada Burjuwaagu waxay ka Koobnaayeen kuwa xukunka haysta oo Ay uugu sareeyaan, waxay ahayd sida tan:

1. Boqorka iyo qoys kiisa.

2. Ganac satada kuwa ay isku danta Yihiin,

3. Baaderiyada mikinisedaha.

4. Kuwa dhaqanka lagu sheegey.

Intaas iyo in u adeegta mooyaane dadka Inta kale bakhtiga ayaa xalaal u ahaa, Weliba waxa u dheeraa xaqdarada lagu Hayey cida laga dareemo damqasho iyo Wixii la mida saqda dhexe ayaa guryaha Lagala bixi jirey dibna looma arki jirin.

Ugu dambeyntiina dalka faransiiska waxa Ka dhacay kacdoon dad weyne oo Gacmaha la iskula tegey halkaas ayaa Lagu bur buriyey boqortooyadii iyo Burjuwagiiba, tirada dadka ku dhintey Kacdoon Kaas waxa lagu qiyaasay (7) Milyan oo faransiis ah, ka dibna markii Xaaladu fara ka baxday ee dhiigu Qulquley dadka Faransiisku waxay Samaysteen oo ay ku heshiiyeen Sharciga ay ilaa maanta kuwada Noolyihiin.

Haddii aan dalkeena u soo noqdo, waxba Kama duwena xaaladii xiligaa ka jirtey Dalka Faransiiska, Distoor iyo sharci toona kama shaqeeyo Dalkeena oo waa la iska tiiriyey, Qaabka nidaamka dalkeenu u dhisan Yahay ayaa ah sidan soo socota:

1. M/weynaha qoys kiisa iyo inta ku Jirta maamul kiisa.

2. Ganac satada kuwa ay isku Danta yihiin sida kuwa la siiyey haamaha Berbera kuwa la siiyey wershedaha laydhka, lamana odhan karo runtii waa Ganac sato waxay la mid yihiin Xasharaadka la yidhaahdo tukhaanta oo Waxay cabaan dhiiga shacbiga.

3. Salaadiin samays ah oo aan ahayn Salaadiintii beeluhu lahayeen isla Markaana habeen iyo maalin dhex Taagen qasriga m/tooyada,

4. Kuwo culumo sheegta oo loo Adeegsado jaha wareerka shacbiga Isla markaana aan ka hadal tacadiga Iyo dhibaatada lagu hayo shacbiga, Maanta waxa jira ilaa (3) kun oo ka Tirsan dabaqada Burjuwaaga isla Markaana u nool sida boqorada carabta Oo aan la moodin iney joogaan JSL.

Waynu ka war haynaa inaan caruurtu Wada helin wax barasho loo siman yahay Waynu ognahay inaanu jirin dhakhtar iyo Goob caafimaad oo loo siman yahay, Waxaynu ka war qabnaa inaaney jirin Caddaaled loo siman yahay, vWaxa intaas raacda waxyaalo aan Marna lays odhan waxay ka dhici kartaa Dalkeenan yar ee faqiirka ah isla Markaana aan weli cidi aqoonsan sida Hantida umada ee la dhacay oo Lagu qiyaasay boqolaal milyan oo doolar Oo hadana aaney jirin cid ka halaysa iyo Cid is weydiineysaa toona. Ka darane lacagtaas inta debedaha la Dhigtey mooyaane, inta kale waxa Lagu isticmaalaa isku dirka iyo kala Fogynta dadkii waxan lahaa, Waxa kaloo lagaga shaqeeyaa Cabudhinta saxaafada iyo in lagaba Dhigto saxaafada mid Burjuwaaga u Adeegta si aanay dad weynuhu waxba u Ogaan, runtiina saxaafaddu intii ka Horeysey maamulkan Axmed Siilaanyo Waxay u adeegi jirtey shacbiga, imikase Saxaafadda badan keedu waxay u  Adeegtaa maamulkan hadda jira, Waxa kaloo jira ciidamo loo taba baray Cabudhinta iyo guryo u daadashada oo Loogu tala galay kolba cida laga dareemo Damqasho iyo iney kasoo hor jeedaan Burjuwaaga.

Waxaan kusoo gaabinayaa Qoraalka inta aanu kacdoon dad weyne Ka dhicin dalka farahana aanay ka bixin Waa in meel looga soo wada jeesto is Dhaafinta maamulkan Burjuwaaga, Hadii kale waxay gaadhi meel aan dib Looga Soo celin karin, AHN wuxuu yidhi Abwaan Gaariye;

“Samada kamay iman waxaa rag isa

Siiyeene saamigeygii ayaa laga

Tabcaday sarahan dhaadheer.”

Ana waxaan ku daray

Saxaafadda waxa loo sacsacey

Boogta yey sarin.

COMMENTS
Latest News