Wadaamagonews.com
Kulan muhiim ah oo dhex maray dhalinyarada beesha Aadan Madoobe iyo wasiir Cali Mareexaan.
February 11, 2017 - Written by admin

Dhalinyarada Beesha Aadan Maxamed (Aadan Madoobe), ayaa kulan isbarasho iyo mahadnaqa ku casuumay Wasiirka Hawlaha Guud, Guryaynta Iyo Gaadiidka Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali- Mareexaan).

BC28

Kulanka oo ku qabsoomay Hotelka Maansoor ee magaalada Hargaysa, ayaa waxaa ujeedadiisu ahayd in dhalinyaradu ay wasiirka uga mahadnaqaan waxqabadka balaadhan ee uu ka fuliyay deegaanada beeshu degto Sida Dhagax-dheer, Dheryaley, Taallobuur Iyo deegaano hoos yimaadda. Waxa kale oo dhaliyarada beeshu  ay wasiirka uga mahadnaqeen taageerada buuxda ee uu la garan taagan yahay markasta.

 

Kulanka , waxaa kasoo qayb galay intabadan dhalinyarada ku dhaqan caasimadda Hargaysa  oo ay ka midyihiin gudiyada dhalinyarada beesha Aadan Madoobe ee Hargaysa iyo Burco, waxaana dhalinyaradu si isku mid ah ay wasiirka uga mahadnaqeen waxqabka iyo shaqada uu u hayo guud ahaan qaranka gaar ahaanna  deegaanada ay dhalinyaradani kasoo jeeddo.

 

Dhinaca kale, dhalinyaradu waxaa ay waxba kama jiraan ku tilmaameen eedaymo aan sal iyo raad toona lahayn oo uu xildhibaan Cabdiraxmaan Xasan Nuur (Cabdi-Laki)  uu u soo jeediyay wasiir Cali Mareexaan iyada oo dhalinyaradu raalli gelin buuxda ka bixiyay arrintaas. Waxaana ay xildhibaanka ku tilmaameen mid ku fashil may xilka uu hayo isla markaana ku guuldaraystay in uu wax u qabto dheegaanadii laga soo doortay haddana uu ka xun yahay waxqabadka wasiir Cali Mareexaan uu ka wado deegaanadaasi.

BC1 BC3 BC5 BC6 BC8 BC9 BC11 BC12 BC13 BC14 BC15 BC18 BC19 BC20 sawir 4 sawir 5

 

 

COMMENTS
Latest News