Wadaamagonews.com
Dood Ku Saabsan Shaqada Iyo Shaqo La’aata Ka Jirta Somaliland, Xoghayaha Kulmiye Sweden
August 19, 2016 - Written by Adan Abdulaahi

Marka laga hadlaayo shaqadaiyo shaqo la,aanta,

waxaa muhiim ah in marka hore la qeexo waa maxay

shaqadu iyo shaqo la,aantu.

Wadamada hore u maray laba ayey u kala saaraan shaqada.

1) shaqo cashuuri ku waajibtay oo shaqo bixiyaha iyo shaqaalahuba bixiyaan cashuur. Tusaale shaqaalaha dawlada, kuwa shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo ganacsatada meheradaha yaryar leh ee iyagu kala soo baxaan noloshooda balse aan cidkale shaqosiinkarin, sida hooyooyinka khudaarta, qaadka, hilibka, caanaha iwl ka ganacsada. Waxaa kaloo soo gelayaa ilaa biyoolaha iyo kuwa keeryoonayaasha wax ku iibiya.

Dadkaas oo dhani waa shaqaale maadaa uu kala soo baxayaa nololshiisa ama ha yaraato ama ha ku filaatee.

2) shaqo iskaa wax u

qabso ah ama (voluntary) oo aan cashuuri ku waajibin,balse faa,iido u leh bulshada sida dadka ka shaqeeya urur rayidka ah ama aan dawliga ahayn (NGO)

Hadaba su’aasho waxay tahay marka laga hadlaayo shaqo,laanta Somaliland maxaa laga duulayaa? Sidoo kale shaqada maxaa lagu macneeyey. Ma inta dawlada iyo shirkadaha waaweyn u shaqaysa ayuun baa loo yaqaanaa shaqaale. Darawaliinta, kuuliga, xamaaliinta, iyo intii aan korku xusey ee ganacsiga hoose ku nool maxay xisaabsanyihiin ma shaqaalaa mise waa bilaa camal?

Anigu waxaan u malaynayaa in dadka leh 70-80% ayaa dadka reer Somaliland bilaa camal ah, inaanay samaynin baadhitaan cilmiyeysan. Sidoo kale waxaan u malaynayaa in ay isku qaldayaan shaqo la,aanta dadka aqoonta sare leh ee jaamcada ka soo baxa iyo guud ahaan shaqada iyo shaqo la,aanta dalka ka jirta.

Hadaan si kale u dhigo Waxaad moodaa inay doodku ku salaysantahay shaqo la,aanta aradayda jaamacadaha ka soo baxda oo keli ah. Taasna anigu waxaan aaminsanahay inuu yahay qalad ka jira xaga waxbarashada oo u baahan in dib loo eego. Waa in waxbarashadu ku salaysnaataa baahida shaqo ee dalka ka jirta. Waa in suuqa shaqada iyo aradayda wax baranaysa lays waafajiyaa. Tusaale ahaan dalkeenu wuxuu u baahanyahay FARSAMOYAQAANO (technician)

Balse uma baahna wakhtigan xaadirka ah

5000 ama 10000 oo barta cilmiyada dhaqaalaha iyo maamulka.

Waxaan ku soo gunaanadayaa shaqo la,aan way ka jirtaa dalka, balse waxaa iyana jirta aqoondaro ah waa maxay shaqadu iyo weliba waa maxay baahida suuqa shaqada Somaliland? Ma jaamici dhaqaalo bartay ayeynu u baahanahay mise nijaar, makaanig, dhisme yaqaan, kalkaalisooyin iyo macalimiin tayo leh.

Ibrahim A Adan

Xoghayaha Kulmiye Sweden

Ibrahim Adan <ibrahimadan@gmail.com

COMMENTS
Latest News