Wadaamagonews.com
BARO : TAARIIKHDA MADAXWAYNE RAJEB DAYIB ERDOGAN IYO HORUMARKA UU WADDANKIISA GAADHSIIYEY.
August 19, 2016 - Written by Adan Abdulaahi

Wuxuu ahaa wiil qoyskoodu aad faqiir u yihiin, waxay ka dagganaayeen magalaada xaafadda ay ku nool yihiin dadka aad ka faqiirka u ah. Si uu xaafaddooda u caawiyo, waxa uu iibin jirey cuntooyinka fudfud, sida keeka , i.w.m isagoo dhinacna ka dhiganayay dugisiga. Waxa uu aad ugu adadkaa diinta Islaamka, isagoo yar ilaa ay macalimiintii u bixiyeenba Sheekh ninkaasi waa madaxwaynaha imika ee dalka Turkey Rajab Dayib Urudugaan.

2

Waxa uu dhashay maalintay taarikhdu ahayd 26 bisha 2 ee sannadkii 1954. Wuxuu ku dhashay magalaada Istanbuul gaar ahaan xaafad ay dagaan dadka danlayda ah oo layaqaan Qaasim-Baasha wuxuu ku barbaaray kuna soo koray isla Istanbuul ilaayo uu heer jaamacdeed gaadhay isagoo ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha.

Isaga oo da’diisuba tahay shan iyo tobban jir ayuu Rajab siyaasadda hamigiisu ahaa isla aminntaa oo ku beegnayd taariikh ahaan 1969 ayuu noqday hogaamiye xisbi dhinaca dhalinyaradda ah waxaana fursadaa siiyay markuu kartidiisa arkay Najmudiin Arbakaan oo ahaa hogaamiyaha ururka. Wuxuu wakhtigu socdaba waxa uu ku biiray 1984 xisbi la odhan jirey Rafah, halkaasi oo uu ku biiray golaha dhexe ee xisbiga isagoo noqday shakhsiyaadka ka dhex muuqda xisbiga.

Waxa uu ka noqday Maayir magaladii uu ku dhashay ee Istanbuul taaso ka mid ahyd riyooyinkiisii isagoo malin dameer saran ayuu intuu magalada eegay ayuu yidhi “Istanbuul waxa aan ka noqonayaa Maayar” markii uu qabsday waxa uu isla markiiba ka bixiyay daymo magaalada lagu lahaa oo gaadhayay Balaayiin lacagta Maraykanka ah. Wuxuuna isla markiiba kordhiyay dakhligeed boqolkiiba toddoba. Wuxuu horumaramariyay dhammaan adeegyadii bulshada. Markii uu saa u koray xilka waxa loo bandhigay inuu u soo guro guri wayn oo qasri ah oo loogu tala galay Mayarka, balse wuu ka diiday isagoo idhi “gurigaygaan iska daganaanayaa” waxay ku andacoodeen gurigaagu waa guri yare e ma suuroobayso inaad ku qaabisho wufuudda. Wuxuu ugu jawaabay “waxaan ku qaabili gurigaa qasriga laakin se waxba idinkama galin halkaan seexanayo”. Isagoo shaqooyinkiisi haysta ayaa la xidhay isagoo lagu xidhay qudbad uu u soo jeediyay umadda taasi oo uu calmaaniyadda uu ku diidayo, iyadoy markaa haysteen waddanka dad calmaaniyiin ahi wuxuuna xidhnaa muddo sannad ah.

Markii uu jeelka ka soo baxay waxa kala qaybsamay xisbigii uu ku jiray Rajab waxanay u kala qaybsameen laba garab qaar xukuumadda ku biira iyo qaar dhalinyar ah oo uu hogaaminayo Rajab waxayna samaysteen xisbi ay ugu magac dareen Xisbiga Horumarka iyo Cadaaladda. Waxaa sannadu markuu ahaa 2002 qabsoontay doorasho waxayna xisbigoodi ku guulaysteen 363 xilibaan oo ah inta u badan ama aqlabiyadda baarlamanka halkaasi oo uu Rajab ku noqday Raysul Wasaaraha waddanka.

Xilka markii uu la wareegay waxa uu la kulmay bulsho aad wax qabad ugu oomman oo ay ragaadiyeen aafooyin badani isagoo xal u raadiyay aynu dhowr tusaale ka soo qaadano:

Dhibaatooyinka waxa ka mid ahaa biyo la’aan. Markiiba waxa uu ku dhaqaaqay sidii uu u soo ogaan lahaa biyo la’aanta haysata, iyadoo looga soo diyaariyay war bixino ka bacdi wuxuu la tashaday khubaradii waddanka waxana isla markiiba la dhisay 7 dhaam oo aad u waawayn oo afar hore u jireen afartiina uu sii balaadhiyay. Tallaabadii labaad ee uu qaadayna waxay noqotay inuu balaadhiyo beebakii biyaha qaadayay, halkaasi oo u iyana balaadhiyay. Ka dib waxa uu bulshadii ugu baaqay inay isugu soo baxaan roob doon waxa ku jeesjeesay arinkaa qolooyinkii hore dalka uga talinayayee calmaaniyiinta isagoy ujeeddadiisuna ahayd, in markuu roobku u da’o ay toddobada dhaan ee uu qoday biyo ugu dhacaan. Way isugu soo baxeen roob doontii Ilahayna wuu u aqbalay ka dib ayay calmaaniyiintii idhaahdeen “ninkani Ilahay buu u dhawyahay” sidii baana dhaamamkii ugu buuxsameen oo ay biyo u heleen oo uu ku xaliyay biyo la’aanti.

Waxa kale oo uu xaliyay xashiishkii magaaladda qarqiyay isagoo ka faa’idaynaya waliba waxa uu sameeyay shirkad xashiishka ururisa. shirkaddasi markay ururiso waxay gaynaysaa meel loogu tallo galay in lagu qubo xashiishka ayaa la aasayaa iyadoo ciid laga saraysiinayo, haddana xashiish kale ayaa la keenayaa saa la aasayaa, ka dib wixii baa isla huuraya waxaana saa lagu daynayaa muddo laba sanno ah. Ka dib ayaa lagu galinayaa mashiin ka soo saaraya huurkii la huuriyay xashiishka maadadan loo yaqaano Methane madadaas oo loo adeegsanayo in laga dhaliyo koronto, halkaasi oo looga faa’idaystay in xaafadaha la siiyo koronto dawladdiina halkaa dakhli ku hesho.

Waxay dhibaato ka jirtay sidii loogu kala gooshi lahaa ama loogu kala gudbi lahaa labada dhinac ee dalka, halkaasi oo uu dhibtada ku xaliyay inuu dhiso biriish isku xidha labadda dhinac biriishkaa oo uu ku kacay lacag aad u badan oo anay xukumaddu awoodin. Waxa uu isugu yeedhay bulshada intii lacag lagu tuhmayay wuxuuna ka qaaday lacagtii ay ku baxaysay, isagoo qolo walba ka qaaday intii ku soo hagaagtay, ka dib mashruucii ayaa la bilabay wuxuuna ku dhamaaday muddo sannad ah. Isla sannad ka bacdina wuxuu soo celiyay daymihii uu ka qaatay bulshadii.

Waxa kale oo ka mid ahaa dhibaatooyinkii uu xaliyay waxa aad u badnaa goobaha u furan dumarka jidhkooda ka ganacsada taas oo ahayd meherado ay dadi leeyihiin una ahayd goob ganacsi wuxuu u kuur galay sidii uu aafadaa u baabiin lahaa wuxuuna maalin isugu yeedhay dumarkii oo dhan wuuna shiriyay wuxuuna waydiiyay waxa ugu wacan ee u geeyey inay hawshan galaan? waxay dhammaantood ugu jawaabeen wax la’aan, ka dib waxa uu mid walba u qorey bishiiba lacag ka badan kay ka helayeen meeshi gabadh walba meeshii kumay noqon waayo dhibkooduba lacag la’aan bay ahayd sidii bayna ku xidhmeen goobihaasi.

Iyana waxa dhibatooyinka haystay ka mid ahaa bulaacadaha iyo suuliyada kaasi oo uu xal uga dhigay, inuu xafad walba kaga soo qaado beebab kuwa biyahoo kale ah isagoo uu ka faa’idaynaa. Xaafad walba beebkeedu waxa uu xidhnaa beeb wayn kaasi oo si toosa u tagaya meel loogu tala galay, ka dib ayaa la warshaddaynayaa waxaana laga soo saarayaa biyo saafi ah, kuwaas oo uu uga faa’ideeyay inuu ku waraabiyo beeraha waddanka.

Haddaba akhriste maxaynu ka faa’idaynaa bulsho ahaan qisadani cajiibka ah ee Hoggaamiye Orduqaan?

COMMENTS
Latest News